Ultimate magazine theme for WordPress.

Sirta ku duugan heshiiska ‘The New Horn of Africa’

Qormadan waxaa qoray Dr.Ahmed Hassan

“The New Horn”waa qorshe caalamiya oo dowlado waaweyn daaha gadaashiisa ka maamulayaan, sida Maraykan, Ingriiska, iyo waddamo E.U da xubin ka ah. Sidoo kale waxaa dillaal ama wakiil uga ah dowladaha khaliijka sida U.A.E Saudi arabia oo iyagu aan sinnaba uuga shaqaynayn masaaliixda iyo danaha Somalia.

Waxaa Actor weeyn ka ah oo intaas oo dowladood taageero dhaqaale , mid siyaasadeed, iyo mid millitry ba la garab taaganyihiin raysul wassaaraha Ethiopia iyo dowladdiisa.

Ethiopia damaceeda ku aadan qabsashada Soomaaliya maaha mid ugub ah balse waa damac 100 kii sano ee u dambeeyey ay soo wadday, iyadoo mar walba taageero dhan walba ah ka helaysay quwada adduunka badnaa ee reer yurub.

Damaca Ethiopia ugu dambayn waxay ku guulaysatay inay dhulka baaxadda weeyn ee Soomaali galbeed gacanta ku dhigto, in kastoo dhulkaa laba jeer oo kala taariikh duwan Ingriisku rabay in u xalaaleeyo haddana isku soo wada duub guud ahaan dhulkaa Soomali Galbeed ama (Ogaden) weey hantiday xabashidu. laakiin intaa miyeey ku joogsatay??

Su’aashan jawaabteedu waa maya, iyada oo 30 kii sano Soomaaliya ugu dambeeyay  afka ciidda gelisay ka faa’idaysanaysa ayeey hammigeeddii 100 sano soo taxnaa ee ahaa in xeebaha badda  iyo badweeynta Hindiya ay gacanta ku dhigto suxul duub ugu jirtay, waxayna samaysatay basaasiin Soomaaliya min tuulo illaa gobol uuga shaqeeya, waxayna ciidamadeeda si toos ah iyo si dadban ba u keentay gobolada soomaaliya oo dhan, iyadoo marba ku gabbanaysa inay la daggaalamayso kooxo ay ku sheegeen argagixiso, oo runtii sirdoonka galbeedku ku abuuray soomaaliya si dalkaan gebi ahaan ba loogu helo qiil lagu xalaashado joogintaankiisa iyo kala furfurkiisa dhan walba loogana takhaluso uugu dambayn oo xabashida loogu gacan geliyo.

 

Abiy ahmed isagoo hadalka wanaajinaya ayuu hawsha u eekiisiiyey sidii laba dal oo dhaqaale ahaan, iyo arrimo bulsho horumarintooda iska kaashanaya, maadaama uu maanka ku hayo in shacabka Soomaaliyeed ay marnaba raali ku ahayn damaca xabashida ee ku wajjahan dhulkooda.

Sidoo kale dowladda hadda jirta iyo kuwii ka sii horreeyey waxay ahaayeen caada qaatayaal u nacamle ah mar walba xabashida marka laga reebo madaxweeynihii dowladii carta cabdi qaasim salaad xasan oo isagu diiday damaca gaalada cad iyo tan madow ee ku aaddan arrimaha Somalia, gaar ahaanna xabashida, ninkaa oo dowladdiisu fashilantay waxaa sabab u ahaa waddaniyadda uu muujiyey iyo sida uu uuga hor yimi damaca xabashida.

khibrad yari jirta ayaa la sheegaa in dowladdan  lagu qanciyey in dalka loo qaban doono, oo intuu doonoo maamuli doono, baraf ka ayaa maray. Waxaa la keeni doonaa Somalia ciidamadii ETHIOPIA iyo ERITREA ee xudduda isku hor fadhiyey, waxayna sheegeen inay AMISOM beddeli doonaan dalkana xoog ku xassilin doonaan.

Sido kale Emaratka iyo sacuudi arabia ayaa dowladda Ethiopia ka saacidi doonaa sidiii ay dhamaan xeebaha Somalia u qabsan lahayd. sidoo kale Sucuudigu wuxuu Ethiopia ka ballan qaaday inuu xoolaha soomaaliya ee uu iibsan jiray ku beddeli doonoo inuu iibsado xoolaha Ethiopia, maadaana Ethiopia ay haysato dhulka soomaaliyeed ka uugu xoolaha fiican.Markaa soomaliya waxba sacuudigu uugama baahna.

Isku soo wada duuboo nabad iyo nolol waxay saxiixeen heshiis dhan walba jiritaanka iyo danaha umadda Soomaaliyeed halis ku ah oo cadow madow, mid carbeed iyo gaalo caddaan ahiba isku bahaysteen.

W/Q: Dr.Ahmed Hassan

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!