Ultimate magazine theme for WordPress.

Hordhaca kulanka Man Utd vs Brighton

 (SITV-MUQDISHO):_ Jose Mourinho ayaa doonaya inuu labo guulo ka gaaro labada kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareed cusub ee 2018-19, iyadoo Manchester United ay u safreyso kooxda ka dhisan xeebaha koonfureed ee Brighton & Hove Albion.

United ayaa bilowga xilli ciyaareedka 2-1 ku garaacday kooxda Leicester City ciyaar ka dhacday Old Trafford, inkastoo Foxes ay ka gacan sareysay kooxda Jose Mourinho.

Paul Pogba ayaa kabtan u ahaa United habeenkaas, waxaana laga yaabaa inuu mar kale hogaamiyo kooxda, madaama uu bandhig wanaagsan sameeyay ciyaartii ugu dambeysay.

Brighton tababaraheeda Chris Hughton wuxuu u baahan yahay natiijo wanaagsan ka dib guuldaradii 2-0 aheyd ee ka soo gaartay Watford kulankii furitaanka.

XOGTA KULANKA

Brighton ayaa United ka badisay labo jeer ka hor ciyaartan, iyadoo guushii ugu dambeysay 1-0 kaga qaadatay garoonka Amex bishii May ee sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa badisay 12 kulan oo ay la ciyaareen kooxda ka dhisan Seagulls, iyadoo labada dhinac ay wadaageen sidookale shan barbaro.

 

MAXAA CUSUB?

Mourinho ayaa wali waxaa ka maqan Nemanja Matic, Diogo Dalot, Ander Herrera, Antonio Valencia iyo Sergio Romero.

Jesse Lingard iyo Phil Jones ayaa boooskooda u dagaaalami doona, halka Romelu Lukaku uu kusoo bilaaban karo ciyaartan kadib markii keydka la dhigay kulankii Leicester.

José Izquierdo, Florin Andone, iyo Bruno Saltor ayaa dhamaantood shaki ka qaba kooxda ka dhisan Seagulls.

Safafka macquulka ah

Brighton: Ryan, Bruno, Duffy, Dunk, Bernardo, Knockaert, Stephens, Propper, March, Gross, Murray

Man Utd: De Gea, Darmian, Bailly, Lindelof, Shaw, Fred, Andreas Pereira, Pogba, Mata, Sanchez, Lukaku.

 

Kulankaan ayaa la daawan dooonaa 6:00 PM

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!