Ultimate magazine theme for WordPress.

Sergio Busquets oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay Barcelona

(SITV-MUQDISHO):_ Sergio Busquets iyo Barcelona ayaa ugu dambayn heshiis ka gaaray heshiis cusub xilli uu kabtan ku xigeenka kooxda Barcelona heli doono mushahar ka badan midka uu haatan ka qaato kooxda.

Wadahadalada heshiis kordhinta ah ayaa bilowday dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka La Liga waxana ay labada dhinac heshiis Rasmi ah gaareen maalmihihii yaraa ee la soo dhaafay.

Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa 2023 xilli uu heshiiskiisii hore dhacayay xagaaga 2021.

Lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Busquets ee cusub ayaa kor loogu qaaday 500 oo milyan halkii markii hore lagu bur-burinayay kaliya 200 oo milyan.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa xiddiga reer Spain ka dhigtay xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan kooxda isaga oo ka dambayn doona kaliya Lionel Messi.

Xiddiga reer Spain ayaa muhiim ka ah kooxda Barcelona waxana ay haatan ka nasanaysaa in ayna wax khatar ah ugu jirin in ay waydo sanadaha soo socda.

 

Muqdisho-Somalia.                                            

 

 

 

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!