Ultimate magazine theme for WordPress.

Koox burcad ah oo Kufsi iyo gubid isugu daray gabar u dhalatay Marooko

(SITV-MUQDISHO):-Mudaaharaadyo xoogan ayaa qabsaday dalka Marroco kadib markii warbaahinta maxaliga ah ee gudaha ay tabiyeen gabar 17 jir ah oo la afduubtay,kadibna kufsi iyo gubid la isugu daray.

in ka badan 12,000 ayaa saxiixay dacwad saaka oo isniin ah iyadoo looga dalbanayo xukuumada boqor Mohammed in gabadhaas uu u damaan qaado adeeg caafimaad kadib markii la baahiyay muuqaalka laga soo duubay.

Gabadhan ayaa Tv-ga Shoof u sheegtay in laba bil ka hor ay kooxdan burcada ah ku afduubteen magaalada Olad Ayad ee gobolka bartamaha Beni Mellal.

Waxey sheegtay in kufsiga loogu daray in lagu sii calaamadeey sigaar daaran qeybo ka mid ah jirkeeda gaar ahaan lugaha gacmaha iyo dhabarka.

Sadex ruux oo lala xiriirinayo kufsigaan ayaa la xiray maalintii sabtida waxaana la filayaa in maxkamada la soo taago 6 Septemper.

Gabadhaan ayaa sheegtay iyada oo murugeysan in ay si xun u kufsadeen ragan ayna hilmaami doonin waligeed maadama ay nolosheeda burburiyeen.

Muqdisho-Somalia                              

                                

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!