Ultimate magazine theme for WordPress.

Reer Galbeedka: Dilalka lagu hayo culumada Yeman waxaa ka dambeeya Imaaradka Carabta

 (SITV-MUQDISHO):_      Warbixinno kasoo baxay reer galbeedka ayaa xaqiijiyay in kooxaha Yemeni da ee gooni u goosadka ah ee katala qaata qoyska Imaaraadka Carabta inay ka dambeeyaan howlgallo ballaashan si ay udilaan imaamyada iyo wacdiyeyaasha magaalada Cadan koonfureed.

Wargayska Washington Post oo soo xigtay markhaatiyaal ayaa xaqiijiyay kaalinta ay ku leedahay waaxda nabadsuigida ee uu maamulo Imaaraadku hawllgallo qorshaysayn oo laga fuliyo magaalada Cadan,taasoo oo u ah xarun ku meelgaar  ah madaxweyne Cabdi-Rabo Mansour Hadi.

Waxa sido kale wargaysku sheegay in lagu dilay 27 culumo magaaladda Cadan iyo degmooyinka ku hareeraysan.

Waxa la rumeysan yahay in sababta loo beegsanayo wadaadada iyo imaamyada beegsaday kaalinta ay ka ciyaaraan culumadan hawlaha ay ka wadaan magaaladda Cadan iyo degmooyinka ku hareeraysayn si ay u fuliyaan dhexdhexaadin lagu xalliyo arrimaha ka dhexeeya dadka.

Wargayska ayaa waxa in sababta qoyska Imaaraadku u beegsanayo ay tahay culumadan ay tahay iyada Dadka la socda arrimaha Yemen ayaa aaminsan in dilalka ay yihiin «olole qorsheysan oo si foojigan loo fulinayo»,waxana ay intaa ku dareen iin kuwa la dilay loo tiirinayay inay kasoo horjeedeen arrinta gooni u goosadka ee ay wado kooxda uu taageeero qoyska Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale warbixinta wargayskan ayaa lagu sheegay in qorshaha qoyska Imaaraadka Carabta uu salka ku hayo sidii uu ula dagaalami lahaa ururka al-Islaax ee ah kan ugu wayn dalka Yemen ee ku abtirsada Ikhwaanul Muslimiin ka.

Muqdisho-Somalia.             

 

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!