Ultimate magazine theme for WordPress.

Wasiirkii arimahada dibada Canada oo bilaabay Muslim naceyb

(SITV-TORONTO):_ Wasiirki hore ee Arrimaha Dibadda ee Canada ayaa maalmihi la soo dhaafey boggiisa Twitter-ka ku soo daabacayey qoraallo loo arkey in ay yihiin kicin dadka siyaasada midigta fog aaminsan ee reer Kanada.

Xildhibaan Maxime Bernier oo laga soo doorto gobolka Quebec ee bariga Kanada ayaa siyaasada Raysul Wasaaraha Kanada, Justin Trudeau ee taageerada isdhexgalka dhaqamada kala duwan waxa uu ku sheegey mid xagjir ah, hoosna u dhigeysa qiimaha ay Kanada leedahay.

Twitter-rada Maxime Bernier waxaa ka dhashay iyo fal-cilis badan oo dad kala duwan ay sameenayeen gaar ahaan Muslimiinta oo aad kaga xumaaday arinkaas.

 

Muqdisho-Somalia.                                            

 

 

 

 

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!