Ultimate magazine theme for WordPress.

Dalxiisayaal u dhashay Mareykanka oo lagu weeraray wadanka Holland

(SITV-MUQDISHO):_       Safaarada mareykanka uu ku leeyahay dalka holand ayaa sheegtay in laba ruux oo lagu weeraray shalay dalkaas ay ahaayeen muwdiniin u dhalatay mareykanka.

Pete Hoekstra oo ah safiirka mareykanka ayaa sheegay in labadan ruux oo magacyadooda warbaahinta lagu xusin in  ay ahaayeen dad dalxiisayaal ah.

Police-ka holand ayaa shaaciyay in ninka weerarkan geystay uu ahaa 19 jir u dhashay Afghanisan kaasi oo heesta deganaasho dalka Jarmalka,xabsigana ay dhigeen.

Afhayeenka Police-ka magaalada Amsterdam Frans Zuiderhoek ayaa sheegay in ninkaan la daweynayo police-kana ay su,aalo ka weydiinayaan sababta ka danbeysa weerarkan.

Police-ka Dutch-ka ayaa sidoo kale xiriir hoose la sameeyay dhigooda jarmalka oo ku aaadan warbixinada ninkaan.

Muuqaalo shalay oo jimco ah laga duubay kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV ayaa waxay muujinayeen police-ka oo ku amraya ninkaan in fadhiisto kadib markii toogasho dhaawac ah u geysteen.

Dalka Netherlands ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa uu heegan ugu jiray weerarada Argagixiso kadib markii weeraro ay ka dhaceen dalalka yurub oo ay xadwadaaga yihiin.

Muqdisho-Somalia.             

 

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!