Ultimate magazine theme for WordPress.

Faah-faahin: Khasaaro ka dhashay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

(SITV-MUQDISHO):_Ilaa inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalo ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dhismaha Gole Madadaallo.

Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Jacksonville ee gobolka Florida sida uu sheegay Booliska magaaladaasi.

Sarkaal Boolis ayaa u sheegay dadka degaankaasi inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo dad 10 gaaraya ay dhaawacmeen, waxayna wararkii ugu horeeyay ee dhacdadan ka soo baxay sheegayaan in qofka weerarka geystay uu dhintay.

Tacshiirad fara badan ayaa goobta laga maqlay xilli uu socday bandhig video game lagu tartamayo oo si toos ah loo daawan lahaa degaanka Jacksonville. Waxaa laga cabsi qabaa inay dadka weerarka ku dhintay ay sii kordhaan.

Qof kale oo laga shakisan yahay in uu xiriir la lahaaa ninka weerarka soo qaaay ayay Boolisku sheegeen in ay raadinayaan, waxaana gebi ahaan la xiray goobta falku ka dhacay, iyadoo dadkii ku jirayna laga saaray.

 

Muqdisho-Somalia                              

 

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!