Ultimate magazine theme for WordPress.

Arday Soomaaliyeed oo u dhooftay dalka Itoobiya

Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay  dowlada itoobiya.

Ardaydaan ayaa 46 kamid ah waxay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Masterka , halka 177- Arday  ay diyaarinayaan heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, iyagoo baran doona kuliyadaha kala ah Caafimaadka, beeraha , IT, Enjineerin, iyo kuwa kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir , Safiirka Dowlada Ethiopia u jooga Soomaaliya iyo Agaasimayaal ka socday wasaaradda waxbarshada XFS ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Safiirka Dawladda Ethiopia u fadiya Soomaaliya Danjire jamaaludiin Mustafa  ayaa sheegay in markasta ardayda Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin deeqaha waxbarasho,

“Markasta waxaan jecelnahay in ay Soomaaliya horumar gaarto, waxaan jecelnahay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ku soo barta dalka Ethiopia ay sameyaan dadaal dheeri ah jaamacaddaha dalka Ethiopia waa jaamacaddo qofka lagu barayo maadooyin adag sidaa darteen waan hubaa in ardayda soomaaliyeed ee wax ka baranaya dalka Ethiopia ay sameyn doonaan dadaal dheeri ah”ayuu yiri danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya.

 

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda waxbarshada XFS, Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulee jaabir  ayaa ardeyda kula dardaarmay inay  ka faa’ideystan deeqada waxbarasho ee la siiyay.

“Waa maalin farxadeed, waxaan rabnaa in aan soo celino rajada dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxaad ku hesheen waxbarashada magaca jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, waxaadna harsaneysaan oo aad ku tageysaan calanka baluuga ah, waxaa lagu keenay deeqdaan waxbarsho heshiis saaxiibtinnimo  oo ay wada galeen labada dawladood Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaana ugu horeeya waxbarashada caafimaadka amniga iyo habsami u socodka labada dawladood” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada .

 

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horey sidaan oo kale deeq waxbarasho ugu dirtay arday Soomaaliyeed dalalka Suudaan iyo shiinaha.

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!