Ultimate magazine theme for WordPress.

LAYAAB: Fannaanadda Priyanka Chopra oo barteeda Instragram ku jaha wareerisay taageerayaasheedda

Fannaanada reer Hindiya ee Priyanka Chopra, ayaa si weyn baraha bulshadda u soo jiidatay, ka dib markii ay hadallo isku weeydaarsadeen barta Instagram hadallo iyada fanaanka Nick Jonas, oo la qiyaasayo in xirriir kala dhaxeeyo. Labadan fanaan ayaa qoraalada ay barahooda Instagram-ka , waxaa dhacda in uu midba midka ka jawaab celiyo muujinaya in ay ka heleen.

 

Taxanaha Quantico, oo ay Priyanka atariishada ka tahay.

 

Fanaanka Nick Jonas, ayaa wuxuu halmar indhaha caalamka jahawareer geliyey markii bartiisa Instagram guur kaga codsaday Priyanka oo ay iyadana  “HAA” kaga soo jawaabtay. Ugu dambeyntii labadan lammaane ayaa si gaar ah u soo jiitay bulshada daneeysa fankooda. Waxaana suuragal ah in qoraaladan yihiin kuwo kaftan ah ama ay dhab ka tahay. Waxaase la ogaan doona waqtiga dhow kolka la shaaciyo xilliga guurkooda dhacayo. Balse saxaafadda Hindiya ee ayaa aad u hadal heeysa labadaa fanaan.

Priyanka ayaa mudooyinkan dambe waxaa fankeedii u talaabay heer  caalami ah, iyadoo dhawaan mid kamid ah ka qeyb qaadatay kaas oo ah  taxane loogu magac darray Quantico oo ay mataleeysay askariyad ka tirsan sirdoonka FBI-da Mareykanka.

 

Qalinkii: Yaasmin Elmi
info@somaliintegrationtv.com

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!