Ultimate magazine theme for WordPress.

NUSOJ: Xukuumada Soomaaliya waxey warbaahinta u qeybisay mid ay u hanjabto iyo mid ay laaluushto

Maxamed Ibraahim Mocalimuu, Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo shir jaraa'id qabtay

Waxaa maanta Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Maxamed Ibraahim Mocalimuu, oo ah Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Macalimow ayaa caddeeyay in wariyayaasha Soomaaliyeed ay halis weyn kujiraan, waxaana uu xusay in  Dowladda iyo Al-shabaab ay hanjabaado joogto ah ku hayaan suxufiyiin badan oo dalka ka howlgasha.

Mocalimuu wuxuu ka digay in khatar weyn ay soo wajahday xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyadoo maamulada dalka ay xabsiga u taxaabaan inta badan wariyeyaasha ka hadla arrimo liddi ku ah siyaasadda maamuladooda, oo qaar badana loo dilay, halka kuwa kale dhaawacyo halis ah loogu geestay.

Macalimoow“Xukuumadda RW Kheyrre Saxaafadda Waxay u qaybisay Qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay Laaluushtay,waana xukuumaddii ugu qallafsaneyd ee Saxaafadda Soo marta”

Xoghayaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya aysan baaritaan ku sameyn dilkii dagmada Xamar Jajab loogu geestay wariye ka shaqeynayay Telefishinka SBC xaruntiisa Muqdisho oo ciidan boolis ah ka dambeeyeen, waxaana sidoo kale jirtay in Wariye wax ku qora warbaahinta Caalamiga oo lagu magacaabo Cabdalla Muumin in isna hanjabaad looga soo diray xafiiska Ra’isul wasaaraha, ilaa hadana majiraan wax baaritaan ah oo lagu sameeyay.

Shirka jaraa’id ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimuu ku qabtay Muqdisho, waxaa ka soo muuqday Hooyo Madiina Xaaji Cali oo wiilkeeda Nuur Ismaaciil Sheekh oo wariye ah uu u xiran yahay Maamulka Gobolka Banaadir.

Hooyo Madiina waxay sheegtay in wiilkeeda oo hadda xiran 8 maalmood aan la garaneyn sabab loo heysto. mana jirto eedeyn qoran oo loo jeediyay iyo maxkamad oggollaatay xarigga intaa la’ eg.

Macalimow ayaa sheegay in dalka uu kujiro xaalad qalafsan isagoo intaa raaciyay in  Dastuurka dalka uu xarrimayo in muwaadinku xirnaado wax ka badan 48 saac maxkamad la’aan!

 

 

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!