Ultimate magazine theme for WordPress.

Ra’iisul wasaaraha dalka Mauritius oo ah haweeneyda keliya ee madax ah oo is casileeysa

Ra’iisul wasaaraha dalka Mauritiusayaa sheegay shalay oo jimca ahayd in xilka ay ka dagi doonto haweeneyda madaxweynaha ka ah dalkaasi oo lagu soo eedeeyay in  dhaqaalo ka soo galay hay’ad aan dowli ahayn ay u isticmaashay si gaar ah.

Dhaqaalaha ay ka qaadatay hay’adaasi ayaa la sheegay in ay ku iibsatay dhar iyo dahab qaali ah si ay ugu xarrakooto.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in Biibi Amina Gurib-Fakim 12ka  Bishan ay xilka ka dagi doonto waqtigaasi oo la qorsheeynayo in 50 sanno guuradii ka soo wareegtay xorriyadda dalkaasi loo dabaal dago.

Waxa uu intaasi ku daray in ay u xaqiijisay haweeneeyda madaxweynaha ka ah Mauritiusin ay xilka banneeyn doonto oo aysan sii heyn doonin.

Ra’iisulwasaaraha ayaa shir guddoomiyay kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha wasiirada  Mauritiusoo loogu soo jeediyay madaxweynaha dalkaasi in ay xilka iska casisho maadaama lagu hayo edeeymo musuq ah inkastoo waqtigaasi ay diiday in ay aqbasho soo jeedinta Golaha wasiirada .

Ugu dambeeyntii Ra’iisulwasaaraha ayaa ugu baaqay dad weeynaha dalkiisa in ay isu  diyaariyaan dabaal dagga xuska maalinta madax bannaanida dalkaasi oo sanad walba bishan March looga dabaal daggo dalka Murishiyos oo ay soo dhoweeyaan martida ku soo foolleh dalkooda si ay uga qeeyb galaan maalinta xuska calanka dalkooda.

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!