Ultimate magazine theme for WordPress.

Shirkada Hyundai oo muddo saddex sanno ah Isboonsar gareeyn doonta kooxda Roma

Shirkada baabuurta sameeysa ee laga leeyahay dalka Kuuriayda Koonfureed ee Hyundai, ayaa shaaca ka qaaday ineey ka heshiis isboonsar gareeyn oo muddo saddex sanno ah la gashay kooxda kubada cabgta Roma ee dalka Talyaaniga.

Andreas-Christoph Hofmann, oo ah madaxa suuq geeynta shirkadan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin isboonsar siinta koooxda Roma qeybna ka ah maalgeinta ay shirkoodu ku dooneeyso ineey ku maal geliso kooxaha kubada cagta ee qaarada Yurub sida Chelsea FC ee Ingiriiiska, Club Atlético de Madrid  oo Isbeyn ah iyo  kooxda Hertha Berlin ee dalka Jarmalka. Ugu dambeyntiina Hyundai, ayaa noqoneysa shirkadii labaad ee isboonsar gareeysa kooxda Roma, iyadoo ay horey u shirkada diyaaradaha Qatar Airways u isboonsar gareeysay, sidoo kalena astaanta Hyundai ayaa funaanadaha kooxda Roma ka muuqan doonta haddii Alla idmo tan iyo dhamaadka sanadka 2021-da.

 

Yaasmin Elmi
info@somaliintegrationtv.com

Ka jawaab celi

Your email address will not be published.

error: Content is protected !!